CCC-Sharmaarke oo qirtay isaga Culusoow,Guuleed iyo Gaas inay ka dambeeyaan Jambalka Dhiiga leh ee Shacabka Gaalkacyo lagu soo dhex-tuuray(Boqolaal qof baa 2-da dhinac dhiman-doonto hadii aan Runta la isku sheegin:Qalinkii:Tooshka Wareega ee Sh-Media

2016-11-13 10:46:38

Ex Reysalwasaare CCC-Sharmaarke oo shalay ka mid ahaa Ergadii ka qeyb-gashay heshiiskii Gaalkacyo ee shalay  ay isa salaameen Guuleed iyo Gaas oo Boqolaal qof iska dilay  ayaa markii ugu horeeyay qirtay,isaga Ex M/weyne Xasan,Guuleed iyo Gaas inay mas*uul ka yihiin fidnadda iyo colaadda ka taagan Magaaladda Gaalkacyo,waxaana uu talo ku soo jeediyay dib u eegis in lagu sameeyo nidaamka Federaalka,marba hadii ay dhibaato keentay Maamulkii ay Cadaado ku dhiseen(GalMudug)inay xudoodda Maamulkaas ku qoraan Degmadda Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Waa markii ugu horeeyay Mas*uul Dawladii hore ee Federaalka uu si cad u sheego inay Jambal dhiig leh ku soo dhex-tuureen Shacabka Gaalkacyo,si ay isku laayaan,iyagoo aan ka fikirin Maamul aan shuruudii Maamul Goboleedka ee 2-Gobol iyo Bar wixii ka badan aan buuxin,oo Gobol iyo Bar ka kooban(Galgaduud iyo Koonfurta-Mudug)si juu-juub ah looga dhigay Maamul Goboleed xuduudiisana lagu sheegay Buurtinle.

Waxaa dembiga ugu weyn  colaadda Gaalkacyo ka taagan dusha u ridinaya Nin Professor isku sheegaya,hadana aan ka fikirin dhibaatada ka imaanayso Maamul Gobol iyo Bar ka kooban oo Xuduudiisa Nugaal ku qortay,inay horseedi-doono dagaal ay Boqolaal qof ku geeriyoodaan,waxaana shaki ku jirin 4-ta Mas*uul ee Jambalka Dhiiga leh Shacabka Gaalkacyo ku soo dhex-tuuray inuu Dembiilaha ugu weyn leeyahay Beenloowga Madaxweynaha ka ah Puntland C/weli Gaas.

Ninka ugu dembiga yar 4-taas waa Wasiirkii hore ee Amniga Dawladii hore ee Federaalka ahna Gudoomiye ku-xigeenka Xerta Damjadiid C/kariin Guuleed,waayo isagu waa og-yahay ujeedada Dayiiradda Muqdisho looga soo qaaday ee Cadaado loo keenay loona salaxay Maamul Gobol iyo Bar ah(GalMudug)inay aheyd ujeedada ka dambaysa,inuu Xildhibaano Aqalka-Sare iyo kuwo Aqalka-Hoose uu ku soo xullo Degmadda Cadaado oo ah Degmada kaliya ee gacanta Maamulka Madaxweynaha looga dhigay ay gacanta ku hayaan,waana uu guuleystay isagoo fulinaya ujeedadii GalMudug loogu dhiibtay inuu ka soo dhalaalo,waxaana maanta uu Casimadda Kumeelgaarka ah ee Cadaado ku diyaariyay Xildhibaano Xerta Damjadiid u badan.

Waxaa xusid mudan hadii Damjadiid ay ku guuldaraysato doorashadda inuu is-casili-doono Guuleed,maadaama uu og-yahay hal degmo oo qura(Cadaado)inay ku kooban-tahay Maamulka GalMudug,waxaana la saadaalinayaa hadii Madaxweyne cusub la doorto inuu dib u eegis ku sameyn-doono Maamulka Galmudug oo lagu soo koobi-doono Gobol iyo Bar(Galgaduud iyo Koonfurta-Mudug)si aysan colaad dambe uga dhicin Gaalkacyo,iyadoo ay u badan-tahay inay dib uga laabtaan Dastuurkooda inay ka saaraan xuduuda ay ku qorteen Degmadda Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

Comments

Opinions