Waa inaad xilka Madaxweynaha u doorataan Nin Beesha Daarood ah(CCC-Sharmaarke)xilka R/wasaarahana uu isagana u doortaa(JIC):amar Imaaraadka-Carabta uu siiyay Madaxdii ku shireysay Hotel Abu-Dhabi ku yaal:Qalinkii:Tooshka Wareega ee Sh-Media

2016-11-02 10:49:22

Tooshka Wareega ee Shacabkamedia ayaa ogaatay in wakiilada caalamiga ah ay si rasmi ah ugu sheegeen Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaaliya ee kushiray dalka Imaaraatka in ay doonayaan in doorashada soo socota ay hogaankeeda ku soo baxaan shaqsiyaad kasoo jeeda mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Safiirka dawladda Imaaraatka Carabta u jooga Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi oo lagu yaqaan nin aan lagaban bareerihiisa Siyaasadeed ayaa si cad ugu sheegay Hogaamiyaasha dawlad gobaleedyada ee Abu-Dhubai ka shiraya in loo baahan yahay in hogaanka sannadkan aysan qaban doonin shaqsiyaad ka soo jeeda Beesha Hawiye,isagoo ku doodaya intii uu Muqdisho Safiirka ka ahaa  Beeshaas uu  ku arkay habdhaqan ka tarjumaya 2-da Xaraf (Badar iyo Beeso),iyagoo aan waxba aan ka aqoon Dawladnimadda,waa sidda uu ku doodayee,halka Beesha Daarood uu sheegau xarafka D ee Dawladnimadda ay ku caanbaxday,waxaana Madaxda Maamul Goboleedyadda ku wargeliyay Beesha Daarood inay Dawladnimadda taqaan,halka Beesha Hawiye Dawladnimadda ay u qaateen Badar iyo Beeso,waxaana hadaladda jeesjeeska ee Beesha Hawiye lagu diga-rogtay ka carooday Ex Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynayaasha HirShabeele Cosoble iyo GalMudug Guuleed oo hadalo lagu yasayo Beeshoodsa u arkay inay ka soo yeertay Imaaraadka-Carabta oo si toos ah u sheegay sanadkan doorashadda 2016 xilka Madaxweynaha Beesha Daarood,qaasatan CCC Sharmaarke ayay ku shaabadeeyeen inay la doonayeen kursiga Madaxweynaha inuu ku fariisto.

Ambasador Alxamaadi ayaa si cad u sheegay in ay dawladda Imaaraatka oo wakiil  ka ah mid kamid ah dawladdaha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya ay si cad u doonayaan in uu sannadkan hogaaminta Soomaaliya qabto Ra’iisulwasaaraha hadda talada haya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake,halka kolka uu xilka ku guuleystana lagula taliyay inuu Reysalwasaare ka dhigo Jabriil Ibraahim Cabdullle(JIC) oo Beesha Hawiye Abgaal ka soo jeedo,madaxna ka ah Ururka CRD.

Safiirka ayaa sheegay in ay beesha Madaxweyne Xasan Sheekh labadii mudo xileed ee lasoo dhaafayba waxba ka qaban waayeen dajinta dalka iyo in laga guulesto kooxaha ka soo horjeda daganaanshaha Soomaaliya, balse ayba sii korayaan bilihii ugu dambeeyey.

Imaaraatku waxay si cad u sheegtay magacyada qaar kamid ah xubnaha Xildhibaanada Aqalka Hoose ee cabsida laga qabo in ay soo galaan, kuwaas oo si cad loo sheegay waxaana lagu suntay warqad qoraal ah oo gacanta loo galiyey Hogaamiyaashan.

Beesha Caalamka iyo Daneeyaasha Siyaasadu waxay si cad u diideen shaqsiyaad kasta oo kamid noqonaya Aqalada dawladda Faderaalka, iyagoo sheegay in aysan ogolaan doonin qorshe dambe oo ay xubno uga noqonayaan talada Soomaaliya Urur diimeedyada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sida ka muuqata Shaxda la dajiyey Imaaraatku waxay si cad ugu sheegtay in dawlad gobaleedyada oo dhan looga baahan yahay in ay dadaalada diblumaasiyadeed fuliyaan, waxaana Ergada wax dooranaysa badankoodu ay yihiin kuwa ay soo xulayaan beelaha Soomaaliyeed.

Lama garanayo sida uu ku fuliyo Hindisaha dawladda Imaaraatka Carabta oo la rumeysan yahay in uu gadaal ka riixayso dawladda Mareykanka oo saami weyn ku leh Siyaasadda gudaha ee Soomaaliya,

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions