Kaniisaad Hargeysa laga furay iyo Baadari Giorgio Bertin oo amaanay Maamulka Somaliland(Sawirro)

2016-11-02 09:31:54

Kaniisada Catholiga ee laga xukumo Talyaaniga ayaa shaacisay inay si wayn uga hawlgasho Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargeysa oo ay ka hirgalisay Kaniisad dhismaheeda la dhamaystiray qaar kalena imika dib u dhis lagu samaynayo.


Bishop Giorgio Bertin oo warbaahinta la hadlay mar uu Hargeysa ka laabtay ayuu sheegay in la dhamaystiray Kaniisada Hargeysa isla markaana dadka imanayi soo siyaadayaan,Wuxuu amaanay nabada ka jirta Somaliland oo uu ku sheegay in si buuxda uga hawlgalayaan balse uu isbar bardhig ku sameeyay Magaalada Muqdisho iyo Hargeysa oo uu sheegay in Hargeysa nabad tahay kaniisadiisuna ka hawlgasho ,Muqdisho way adag tahay in waxa Hargeysa ka qaban karno la,isku dayo in laga qabto ayuu yidhi Bishop Giorgio Bertin.


Baadarigani ayaa amaanay dawlada Itoobiya iyo xukuumada Siilaanyo oo iska kaashaday hirgalinta kaniisadahani dhismahoodu ka socdo Hargeysa oo imika mid si rasmiya xadhiga looga jaray.

Baadarigani ayaa sheegay in dhawaan soo afjari doonaan xidhina doonaan kaniisado qarsoodiya oo guryo ay kiraysteen ah oo Hargeysa gudaheeda ka shaqayn jiray.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-X─▒shoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions