Hooyo Soomaliyeed oo gaari ku dishay Gabar-Yar oo Somali ah oo la xukumay(Teleefoon ha ku hadlin adigoo Gaari wada:Fariin Haweenka iyo Raga Somalida ku socota:Qalinkii:Fariinta Maanta ee Sh-Media

2016-09-15 16:35:00


Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Hodan Aadan, ayaa lasoo taagay Maxkamad ku taal magaalada London, kadib markii ay Gaari ay wadatay ku dishay Gabar-Yar oo Soomaali ah .
Hooyo Hodan, ayaa sida la sheegay Taleefoonka gacanta ee Mobeylka ku hadleysay xiliga ay Gabadheeda Gaariga jiirsiineysay, waxeyna damacsaneyd ineey dhigto meel Baarkin ah oo gurigeeda ku yaal xaafadda Wembley ee Magaaladda London,umana aysan jeedin Gaadhan yar inay gaariga u soo dhawaanayso,waxaana ka mashquuliyay Mobeylkii gacanta ee ay ku hadleysay.
“Waan maqlayay burburka Lafaheeda, mana awoodin inaan gaariga joojiyo, waxaan waayay Koontaroolka” sidaa waxaa hooyada dhashay Gabadha gaarigeeda ay ku dishay oo Maxkamadda hadal gaaban siiyay.
Hooyo Hodan, ayaa saakay lasoo taagay Maxkamad ku taal London, waxaana lagu soo oogay ineey Gaari kaxeyneysay iyadoo Taleefan ku hadleysa, sidaasna ay ku dishay Ganbadhan yar .waxaana maxkamada ku xukuntay 14 Bilood oo xabsi ah iyo in mudo 2 sano ah aysan wadi karin Gaari.
Hadaba Haweenka iyo Ragga Soomaalidda,waxaan kula talinayanaa inaysan Mobeylka gacanta isticmaalin kuna mashquulin,xili caruur gaariga ay u saaran-yihiin oo ay baakin galayaan,ama guriga gudihiisa gaariga ku xareysanayaan ama gaariga guriga ka saarayaan,hadii kale sidda ku dhacday Hooyo Hodan oo gabadheeda gaariga ku dishay xili ay Teleefoonkeeda gacanta ku mashquulsaneyd,ayaa idin ku dhacaysa ee ka digtoonaadda fadllan.

Qalinkii:Fariinta Maanta ee Sh-Media

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Comments

Opinions